2427 Views

Qoxooti Soomali ah Oo Kunoolaa Dalka Yeman Oo Dib u Soo Noqonaya

Qoxooti Soomali ah Oo Kunoolaa Dalka Yeman Oo Dib u  Soo Noqonaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  25  October 2017 –73; Rag ah iyo 61; Haween ah oo ah Muwaaddiniin Soomaaliyeed kana soo laabtay Dalka Yemen ayaa shalay gaaray magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Dadkan ayaa Doontii wadday waxaa ay Isniintii ka soo shareecatay Dekadda Magaalada Cadan ee Koofurta Dalka Yemen iyada oo safarka dadkan ay gacan ka geysatay laanta socdaalka Qaramada Midoobey ee IOM.

Afhayeen u hadlay IOM,  Joel Millman,ayaa sheegay in tani ay tahay markii 3aad oo Soomaali intaas ka badan laga soo celiyo dalka Yemen lana keeno Soomaaliya tan iyo Bishii September ee la soo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in Cadan ay dhibaato badan ka jirto,sida kala qeybsanaanta Maamulka ka taliya magaalada,iyada oo aysan jirin cid laga amar qaato iyo amniga oo aad halis u ah haddana ay Hay’adda ku dadaaleyso in dadka ku nool Cadan iyo agagaaraheeda ay soo bixin karaan islamarkaana shaqaalaha ay ku howllanyihiin arrintaas.

IOM, waxaa ay soo celinta Soomaalida Yemen ku nool biloowday Bishii November ee Sanadkii 2016kii,waxaana tan iyo xilligaas u suuragashay in ay Dalka dib ugu sooc eliso SOomaali gaareysa 1,845;  oo Qof.

Afhayeenka IOM,waxaa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay $4.4; Milyan oo doollar ku bixisay dib u celinta Soomaalida Yemen oo inta badan laga dejiyo magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso ee Bariga iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment