1026 Views

Jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar oo isbitaal la dhigay

Jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar oo isbitaal la dhigay
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Xiddigga shirkadda filimada Bollywood-ka Akshay Kumar ayaa farriin u soo diray taageerayaashiisa kaddib markii isbitaal la dhigay.

kumaar oo laga helay caabuqa corona kaddib baadhitaan uu maray ayaa isbaalka la dhigay si adeeg caafimaad loogu sameeyo.

Baraha bulshada, sida Twitter-ka iyo Facebook ayaa si weyn la iskula wadaagay wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Hal maalin kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in isbitaal loola cararay maadaama laga helay xanuunka Covid-19 ayuu Akshay Kumar ku qoray boggisa twitter-ka in isbitaal la dhigay.

Wuxuu u xaqiijiyey taageerayaashiisa iyo dadka samaha la jecel inuu ladan yahay balse isbtaalka loo dhigay taxadar iyo la talin caafimaad awgeed.

“Aad baad u mahadsan tihiin dhamaantiin, ducada iyo rajaynta diirran ee aad iisoo dirayseen, waxay u muuqataa in la idinka aqbalay, aad baan u ladanahay balse taxaddar iyo talo caafimaad awgeed ayaa isbitaalka la ii geeyay. Waxaan rajaynayaa inaan goor dhaw kusoo laabto xaafadda. Taxaddara,” ayuu qoray.

Axaddii ayuu Akshay kumar soo qoray: “waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhammaantiin in saaka la iga helay Covid-19 waxaana raacayaa dhammaan talooyinka caafimaad, isla markiiba waan is karantiilay. Waxaan ku jiraa karantiil guriga dhexdiisa ah waxaana marayaa daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah. Waxaan codsanayaa in dhamaan dadkii aan kulannay ay is baaraan taxadarna muujiyaan. Mar dhaw waan soo laabanayaa.”

Akshay kumaar waa mid kamid ah atoorayaasha waawayn ee dib u bilaabay shaqada kaddib markii la qaaday xadidaadihii Covid-19. Wuxuu bilaabay duubista filimkiisa cusub ee Bell Bottom kaasoo uu ku dhigay Scotland bishii sideedaad ee sanadkii tagay, waliba laba jibaar ayuu shaqaynayey si uu filinka ugu dhameeyo muddada loo qoondeeyay oo 45 maalmood ah.

Maalmihii u dambeeyay Akshay Kumar wuxuu duubayay filin cusub oo uu la dhigayo Jacqueline Fernandez iyo Nushrratt Bharuccha filinkaasoo lagu magacaabo Ram Setu. Xoguhu waxay tilmaamayaan in ku dhawaad 45 kamid ah dadkii ka shaqaynayey duubista filinka laga helay caabuqan Covid-19.

Waa xiddigii Bollywood ee ugu dambeeyay ee laga helo xanuunka ayada oo lagu jiro faafiddii labaad ee caabuqan Covid19. Waxaa ka mid ahaa xiddgaha Bollywood ee ugu dambeeyay oo laga helay caabuqan , Alia Bhatt, Aamir Khan, Kartik Aaryan, Fatima Sana Shaikh, Govinda iyo waliba kuwa kale.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post