1941 Views

Kenya oo mar kale ku baaqday wadahadal ku saabsan dacwada badda

Kenya oo mar kale ku baaqday wadahadal ku saabsan dacwada badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20da Maarso, 2021vKenya oo mar kale ku baaqday wadahadal ku saabsan dacwada baddaKenya waxay hadda dooneysaa in kiiska muranka xuduud badeedka ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga saaro Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) laguna xalliyo wadahadal laba geesood ah.

Tani waxay imaaneysaa maalmo kadib markii Kenya ay go’aansatay inaysan ka qeyb galin dacwada xadeynta badda ee maxkamada hor taal.

Hadal qoraal ah oo kaso baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku adkeysatay in Soomaaliya ay tahay in marka hore ay caadi ka dhigto xiriirka ay la leedahay Kenya dibna loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed.

“Kenya waxay gaadhay go’aanka ah inaysan ka qaybgalin dhegeysiga dacwadaha waxayna ku adkeysaneysaa in khilaafkan laga saaro maxkamadda laguna xalliyo wadahadallo laba geesood ah,” ayaa lagu yiri qoraalka

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa  lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.

Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah.

Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood sida uu sheegay Yusuf Garaad Axmed oo ka mid ah Wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Hogue.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post