333 Views

Toogasho tiro dad ah lagu dilay oo ka dhacday Jaamacada Virginia ee Dalka Maraykanka

Toogasho tiro dad ah lagu dilay oo ka dhacday Jaamacada Virginia ee Dalka Maraykanka
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Saddex qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday Jaamacadda Virginia, sida uu sheegay guddoomiyaha jaamacadaas.

Booliska ayaa baadigoobaya qof laga shakisan yahay oo baxsad ku jira.

Toogashada ayaa dhacday abaaro 10:30 habeenimo ee xiliga mareykanka “Waxaa ka dhashay saddex dhimasho; laba dhibane oo kale ayaa ku dhaawacmay waxaana ay helayaan daryeel caafimaad,” ayuu Gudoomiye Jim Ryan ku yiri warqad uu u diray bulshada Jaamacadda.

Maamulka deg-degga ah ee jaamacadda ayaa soo saaray digniin habeenimadii isniinta taasoo ogeysiinaysay ardayda jaamacada iney ka feejignadaan weerar hubeysan.

Waaxda Booliska ayaa soo galisay ogeysiis online ah oo sheegaya in hay’ado badan oo booliis ah oo ay ku jiraan booliiska gobolka ay raadinayaan tuhmane loo arko nin hubaysan oo khatar ah

“Tani waa farriin uu hoggaamiye kastaa rajeynayo inuusan waligiis dirin, waa dhacdo naxdin leh oo soo gaadhay qof kasta oo ka tirsan bulshadayada waxaanan joojinay xiisadaha maanta ee Jaamacadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post