765 Views

Booliska Malta oo sheegay in ay baaraya geerida Muwaaddin Soomaali ah oo dabaq kasoo dhacay

Booliska Malta oo sheegay in ay baaraya geerida Muwaaddin Soomaali ah oo dabaq kasoo dhacay
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Booliska Malta ayaa sheegay in baarayaitaan ku hayaan shan qof oo lala xiriirinayo shil ka dhacay warshad ku taallo magaalada Marsa  ee Malta, halkaas oo uu ku naf-waayay Muwaaddin Soomaali ah.

Ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in xiray laba nin, lana weydiinaayo su’aalo ku aaddan sababa geerida muwaadinkan Soomaaliyeed, halka ay xuseen in ay la hadleen saddex kale, taas oo ka dhigan in lagu tuhunsanyahay geerida muwaaddinkan, sida uu qoray Wargeeyska timesofmalta.com.

Allaha u naxariisteen Axmed Cadaawe Diiriye, oo Soomaali ah, ayaa  ka soo dhacay dhismayaal is dulsaaran (Dabaq) kaasi oo dhaawacii soo gaaray u geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay in Wiilkan la waayay galabnimadii Isniinta, ee Todobaadkii hore, kadibna dhaawaciisa laga helay Isbitaal aan ka fogeen daartii uu ka soo dhacay.

Ugu danbeeyn Booliska Malta ayaa sheegay inaay baarayaan in Ninkan dabaqa laga soo tuuro iyo in uu asago iska soo tuuray.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post