1365 Views

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo furay imtixaanka Shahaadiga ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo furay imtixaanka Shahaadiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 11, 2019 –Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

 

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay daahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay ardayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

 

 

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

 

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa si weyn loo adkeeyey,iyadoo loo xil saaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment