636 Views

Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir uga socdo Muqdisho

Madaxweynayaashii hore  iyo xildhibaano shir uga socdo Muqdisho
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shir u dhaxeeya Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanaka Somaliya.

Kulanka oo ka socda Guriga Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta shekh shariif shekh axmed ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanada goobta jooga Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Kulankaan ayaa  looga wada-hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, maadaama Musharixiinata ay shalay dhaliil u soo jeediyeen Raisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii Ra’iisal wasaare Rooble loogu gacan siin lahaa dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ee loo xil-saaray, xili qaar kamid ah musharaxiinta mucaaridka ay walaac ka muujinayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post