1167 Views

Al-shabaab oo gabaldhicii galabta la wareegay Cadakibir oo aan ka fogayn magaalada Cadaado

Al-shabaab oo gabaldhicii galabta la wareegay   Cadakibir oo aan ka fogayn magaalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo qiyaastii 40-KM koonfur – bari ka xiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in gabal dhicii  galabta ay weerar kula wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen ciidamo tiro yar oo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo Cadakibir ku sugnaa.

Wararka aan ka helnay dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in ciidamada Galmudug laga qabsaday Cadakibir, isla markaana ay u carareen dhanka deegaanka Godinlabe oo dhaca inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee wasaaradda amiga Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ay iska caabiyeen weerar ay galabta ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare xooggan dagaalamaashii soo qaaday weerarka kala laabteen halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post