1992 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo abaalmarin u ballan qaaday Degmadii ku guuleysata soo celinta bilicda Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo abaalmarin u ballan qaaday Degmadii ku guuleysata soo celinta bilicda Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2018 – Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Xamarweyne iyo qeybaha Bulshada ayaa si wada jir ah u billaabay olole nadaafadeed oo qeyb ka ah bilic soo celinta Caasimadda Dalka.

Howlaha nadaafadda oo Maanta si xooggan ugu socday nawaaxiga Suuqa Bacadlaha iyo goobo kale , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ahna, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Xamarweyne, Axmed Maxamed Iiidow, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada bilic soo celinta Caasimadda Dalka, isagoo arrintanna ugu mahad celiyay maamulka Gobolka iyo shirkadaha Nadaafadda.

Guddoomiye, Iidoow, ayaa sheegay inaysan waxba iska beddalayn howlahooda oo ah shaqee habeen iyo Maalin, taasoo qayb ka ha dedaallada dib usoo celinta bilicda ee haatan ka socda Caasimadda.

“Waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa oo arrintani garab nagu siiyay maamulkeenna sare ee Gobolka banaadir, waxaa kaloo na caawiyay shirkadda nadaafadda, waxaana naga go’an inaan sii wadno hal ku dhiggeenna ah shaqee habeen iyo Maalin, ayuu yiri, mudane Iidoow.

Guddoomiyaha Ururka Hawweenka Gobolka Banaadir,Marwo, Jawaahir Baarqab,ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Bulshada ku nool Degmada gaar ahaan Haweenka ka qayb qaadanaya nadaafanna loo sameeyo dhiirri gelin ballaaran.

Basmo Caamir Shikeeti, oo ah Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada Gobolka banaadir, ayaa ballanqaaday in ka maamul ahaan ay abaalmarin doonaan Degmadii ku guuleysata howlaha dib usoo celinta bilicda Magaalada Muqdidisho.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment