303 Views

Burcad aad loo raadinayey oo Israa’iil u dhashay oo lagu qabtay Dalka koofur Afrika magaalada Johannesburg

Burcad aad loo raadinayey oo Israa’iil u dhashay oo lagu qabtay Dalka koofur Afrika magaalada Johannesburg
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 17, 2022

Ciidamada Koofur Afrika ayaa xiray nin baxsad ahaa oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku tilmaameen hoggaamiyihii bucad ee loogu raadinta badnaa ee Israa’iil

Ninkan waxaa laga soo qabtay duleedka magaalada Johannesburg isaga oo ay la jiraan toddoba kale xilli ay subaxnimadii ciidamadu howlgal qaadeen sida lagu sheegay war boliisku soo saaray.

Ninkan oo 48 jir ah ayaa la rumeysan yahay in uu xiriir la leeyahay urur dambiileyaal ah . Kooxdaas Burcadda ah ayaa ku lug leh kala gudbinta daroogada, baad iyo howlo kale oo dambiilenimo.

Hoggaamiyahan laga shakisan yahay ayaa ku jiray liiska hay’adda boliiska caalamiga ah ee Interpol tan iyo sanadkii 2015. Dowladda Israa’iil ayaa ninkan u raadineysay arrimo la xiriira in uu shirqoolodil iyo isku day dil uu geystay.

Waxaa la filayaa in muddo 48 saacadood ah lagu geeyo maxkamad iyadoo maamuleyaashu aanay magacaabin ilaa maxkamad la soo saarayo.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post