828 Views

Xildhibaan sheegay in uu ka badbaadey isku day dil

Xildhibaan sheegay in uu ka badbaadey isku day dil
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo kamid ah Golaha Wakiilada Puntland ayaa sheegay in xalay rag hubeysan ay weerar kusoo qaadeen,isla markaana ay rasaas ku fureen,hayeeshee uu ka badbaadey.

 

Xildhibaanka ayaa xilliga la weerarayey waxaa uu Gaari kaga degay gurigiisa hortiisa,balse ay rag hubeysan rasaas ku fureen,waxaana uu sheegay in uu ka badbnaadey rasaas dhowr ah oo lagu furey gurigiisana uu galay.

 

 

 

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi farawayne kana mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo tegay Hoyga Xildhibaanka la weeraray ayaa sheegay inay arkeen raadadka raggii weerarka kusoo qaadey Xildhibaanka.

 

Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar ee xalay weerarka lagu qaadey oo shalay Warbaahinta kula hadlayaya Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kasoo horjeestey xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Puntland oo uu sharci daro ku tilmaamay,sidoo kale uu eedeyn u jeediyey Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment