1083 Views

Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Ramadaankii 7-Aad Ku Dhex Soomayo Xabsiga

Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Ramadaankii 7-Aad Ku Dhex Soomayo Xabsiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Madaxweynihi hore ee dalkaasi, Maxamed Mursi ayaa la sheegay inuu sannadkiisii 7-aaad bisha Ramadaan ku dhex qaadanayo Xabsiga dhexdiisa, sidaas waxaa sheegay Qoyskiisa.

 

Maxamed Mursi oo xilka laga tuuray sannadki 2013-kii, hal sanno kadib, markii xilkaasi hayey ayaa la sheegay inuu ka cabanayo xaalladda Xabsiga, waxayna qoyskiisa ugu baaqeen Beesha Caalamka in taageero laga geysto sidii loo sii dayn lahaa.

Dhinaca kale, Maxamed Mursdi wiilkiisa oo lagu magacaabo Usaama ayaa isgana Ramadaankii 3-aad weli ku xiran Xabsiga, waxaabna u uu xiran yahay isagoo u ololeynayey in Aabihiisa la sii daayo.

 

Dhinaca kale, Dowladda Masar waxay ku eedeysaa Madaxweynihii xilka laga tuuray ee xiran, Maxamed Mursi inuu xubin ka yahay Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo laga mamnuucay dalkaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment