933 Views

Puntland oo howlgal ku qabatay Doomo Shisheeye oo Kalluumeysi sharci darro ah waday

Puntland oo howlgal ku qabatay Doomo Shisheeye oo Kalluumeysi sharci darro ah waday
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

Howlgallo ay sameeyeen kadib Ciidamada Puntland oo iskugu jira Ciidanka PMPF iyo kuwa Booliiska, waxaa usuurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan Doomo laga leeyahay dalal shisheeye oo si sharci-darro ah uga jillaabanayay xeebaha Puntland.

Taliska Ciidanka PMPF war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu socday muddo laba cisho ah islamarkaana lagu soo qabtay Doomo laga leeyahay dalal shisheeye kuwaas oo ay sheegeen in si sharci daro ah ay ugu kalluumeysanayeen Xeebaha DG Puntland.

“Howlgalka oo socday muddo labo cisho ah 250-27-maarso-2022 ayaa lagu soo qabtay Doonyo laga leeyahay dalal shisheeye oo si sharci daro ah ugu kalluumeysanaayay xeebaha dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka PMPF.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay in Ciidanka PMPF iyo kuwa Booliiska degmada Xaafuun ee Gobolka Bari iyaga oo iskaashanaya ay howlgallo qorsheysan oo Badda ah ka fuliyeen degmada Xaafuun iyo deegaanno hoos yimaada.

“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF iyo Booliska Degmada xaafuun oo is kaashanaya ayaa howlgallo qorsheysan oo Badda ah ka fuliyay Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari iyo deegaanada Hoos yimaada” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska PMPF-ta kasoo baxay.

Hore sidaan oo kale, Ciidamada PMPF iyo kuwa Booliska Degmada Xaafuun waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Doomo ay sheegeen in si sharci daro ay ugu kalluumeysanayeen xeebaha deegaanada Puntland, kuwaas oo lagu riday xukuno kale duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post