582 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ee naafada ah k

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ee naafada ah k
____________________________________________________________________________

Khamiis: JULY 28, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ee naafada ah kulanka ayaa daba socday, kulamaddii uu maalmahaan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka naafada ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Raysalwasaare Xamse ayaa ballan-qaaday in xukuumadda uu soo dhisi doono ay mudnaan gaar ah siin doonto, wax u qabashada naafada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, awoodsiinta hay’adda u dhaq-dhaqaaqda xaquuqdooda, iyo in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ku matali doonto qof dumar ah oo iyaga ka mid ah.

Waxaan ballan-qaadaynaa miisaaniyadda soo socota in hay’adda naafadu ay qeyb ka noqon doonto, tayada iyo aqoonta dadka ka shaqeeya hay’addana kor loo qaadi doono.”

Xamse Cabdi barre

Raysalwasaare Xamse Cabdi ayaa xusay in uu qorsheynayo tiro haaregysa 1100 oo arday oo naafo ah, ay fursad u heli doonaan waxbarasho marka uu soo dhiso xukuumadda

Dhinacooda, dadka naafada ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post