363 Views

Hir-shabeelle oo maanta qabaneyso doorashada kuraas taala Beledweyne

Hir-shabeelle oo maanta qabaneyso doorashada kuraas taala Beledweyne
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

Maanta oo Sabti ah Guddiga maamulka  doorashooyinka ee Hirshabeelle, waxaa lagu waddaa in ay qabtaan doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta taala Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kale ah HOP#019 iyo HOP #059, kuwaas oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah iyo kuwii hore ugu fadhiyay.

Kursiga HOP#019, waxaa hore ugu fadhiyay Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali, halka kursiga HOP#059, uu hore ugu fadhiyay Samiiro Xasan Cabdulle, iyadoo kursigaas musharixiinta u tartamayo uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Faderaal Mowliid Mataan.

Musharixiin dhowr ah ayaa isku diiwaangeliyay u tartamida kuraastaan, kuwaas oo doonaya in ay ku guuleystaan hanashada doorashada kuraastaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post