1005 Views

Duufaanno dabaylo iyo roobab wata oo ku dhuftay meelo ka mida xeebaha maamulka Puntland

Duufaanno dabaylo iyo roobab wata oo  ku dhuftay meelo ka mida xeebaha maamulka Puntland
____________________________________________________________________________

Duufaanno dabaylo iyo roobab wata ayaa ku dhuftay meelo ka mida xeebaha maamulka Puntland. Waxaana la sheegayaa in ay sababtay khasaare baahsan oo gaarsiisan dhimashada tirade saddex qof oo ajnabi ah, oo maydkoodu ku soo caaryey xeebta Xaafuun.

Dadka ku sugan degmada Xaafuun ayaa kusoo warramayaa in roobabka mahiigaanka ah ay horseedeen inay dumaan guryo badan isl markaana ay deegaanka kusoo caaryeen doonyo gaarayo lix.

Guddoomiyaha degmada Xaafuun ayaa BBC-da u xaqiijiyay in duufaannada ay khasaare lixaad ah ka geysteen deegaanka xilli uu go’anyahay khadka isgaarsiinta.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shacabka uga digtay in duufaanno ay kusoo fool leeyihiin xeebaha Puntland.

Deegaanadan waxaa horey uga dhacay duufaanno xooggan oo khasaare ka geystay halkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post