1200 Views

Dowladda Soomaaliya oo beenisay Warkii Safiirka Mareykanka ee Kenya

Dowladda Soomaaliya oo beenisay Warkii Safiirka Mareykanka ee Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay Warbixin uu qoray Wargeyska afka dheer ee Dailynation,kaas oo wareysi lagula yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya,isla markaana uu sheegay in Muqdisho uu yimid Madaxweyne Farmaajana uu ka dalbaday in uu ka baxo Kiiska Badda.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana uusan jirin kulan dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ee Kyle McCarter,xiligii uu yimid Muqdisho.

 

 

 

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor ayuu yiri” Amba, Tarsan

 

Sidoo kale Wargayska Dailynation oo Warbixintaan qoray ayuu ugu baaqay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo, iyada oo Warbixinta ay ku saabsaneyd Wareysi lala yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ka hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Si kastaba Warbixinta uu daabacay Wargeyska afka dheer ee Dailynation ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli laba jeer ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment