1188 Views

Cabdinuur cali aadan oo ku guuleystay Kursiga Tirsigiisu yahay Hop-028

Cabdinuur cali aadan oo ku guuleystay Kursiga Tirsigiisu yahay Hop-028
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Kursiga hop 028 oo ka mid ahaa kuraasta maanta Doorashadooda lagu qabanayay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku guuleystay Cabdinuur cali aadan jiidaaw oo  horay wasiir uga soo noqday wasaaradaha warfaafinta iyo ganacsiga.

Cabdinuur cali aadan jiidaaw ayaa hadda kamid ahaa xildhibaanada Jubbaland waxaana kursigan uu ku tartamay uu ku guuleystay codad gaaraya 89 cod
Waxaa diiday 12 cod mana jirin
Wax ka aamusay.

Kadib markii uu tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay

Sida habraaca doorashada ahayd Cabdinuur cali aadan waxaa ergada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah waxaana ergada fadhiday ucodeeyeen 89cod

Kursiga uu ku guulaystay Cabdinuur cali aadan jiidaaw waxaa 8dii sanno ee ugu dambaysay ku fadhiyay cabdullaahi aadan shaacir.

Cabdinuur cali aadan ayaa ku dhashay deegaanka yoontooy oo duleedka waqooyi ka xiga magaalada kismaayo sanadkii 1965.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post