363 Views

Cambaarayn caalami ah oo Iran loo soo jeedinayo kadib markii ay xukun dil ah ku fulisay Alireza Akbari oo u dhashay Britain iyo Iran laguna eedeeyay basaasnimo.

Cambaarayn caalami ah oo Iran loo soo jeedinayo kadib markii ay xukun dil ah ku fulisay Alireza Akbari oo u dhashay Britain iyo Iran laguna  eedeeyay basaasnimo.
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14 2023

Waxaa iska soo dabadhacaysa cambaarayn caalami ah oo Iran loo soo jeedinayo kadib markii ay xukun dil ah ku fulisay Alireza Akbari oo u dhashay Britain iyo Iran, kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa u yeedhay ergayga Iran ee ku sugan magaalada Paris si uu u sheegaan sida ay ugu xun yihiin falkan dalkiisu geystay.

Britain ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay dacwad oogaha guud ee Iran; waxay sheegtay in xukuumadda Tehran ay waajib tahay in lagula xisaabtamo xadgudubyada xun xun ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Kooxda ololaha xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, ayaa Iran ku eedaysay inay “ixtiraam yar u muujisay” guud ahaan macnaha nolosha aadanaha.

Waxayna ku boorisay UK inay baadho eedeynta Mr Akbari ee ah in jidhdil loo geystay si uu u qirto danbigaas. (Mr Akbari – oo hore u ahaa wasiir ku xigeenkii gaashaandhigga ee Iran — ayaa la xiray 2019.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post