219 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Aadan Madoobe oo magaalada Baydhabo kulan gaar ah kula qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Aadan  Madoobe oo magaalada Baydhabo kulan gaar ah kula qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 15, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan gaar ah wuxuu la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay laba arrmood oo kala ah shirka dib u heshiisiinta ee uu isagu iclaamiyay iyo dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn odayaasha ka talageliyay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayna iyagu sheegeen inay si buuxda u taageereen shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay door muuqdo ka qaataan sidii kooxda Al-Shabaab looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa Aadan Madoobe ka dalbaday in lagu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, si go’aan looga soo saaro xaaladda murugsan ee maamulkaasi, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Maalmiihii u dambeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waday dadaallo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed, isaga oo safarkiisa Baydhabo kahor booqday degmada Xudur.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa marxalad adag, kadib muran ka dhashay doorashada ku soo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu ka dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Cabdicasiis Laftagareen.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post