792 Views

Shil aad u xun oo ka dhacay degaanka Kwamkikuyu oo ku yaala waddada weyn ee Malindi-Mombasa.

Shil aad u xun oo ka dhacay degaanka Kwamkikuyu oo ku yaala  waddada weyn ee Malindi-Mombasa.
____________________________________________________________________________

Apil 7/4/2021

 Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay ka dib markii ay laba bas isku dheceen shil subaxnimadii Arbacada ka dhacay degaanka Kwamkikuyu oo ku teedsan waddada weyn ee Malindi-Mombasa.

Shilka ayaa waxaa galay laba bas oo mid ka yimid Mombasa kuna sii jeeday Gaarisa, iyo gaari nuuca xamuulka qaada ah, kuna sii jeeday Mombasa isagoo ka yimid Mareeri.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baska kusii jeeday Gaarisa uu rogmaday oo uu lumiyay xakamaynta garaacista safarka ay ku dhinteen inka badan 20 halka kuwa kale oo badana ay xaaladooda liidato.

Gudoomiyaha gobolka Kilifi Kutswa Olaka, ayaa xaqiijiyay in 15 qof ay ku dhinteen 14 kalena ay ku dhaawacmeen shilka.

Dadka shilka ku dhintay ayaa waxaa ku jira labada darawal. Waxaa sidoo kale jira dhowr shaqaale dowladeed ah oo katirsan Kilifi oo shilka ku dhintay.

Booliska ayaa qaar ka mid ah meydadka u qaaday goobta meydadka lagu keydiyo ee Malindi Hospital halka kuwa kale oo ku xayirnaana la qaadayo.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post