294 Views

Culimada Soomaaliyeed ku shirsan Muqdisho oo caddeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab sheegayna in la laayo

Culimada Soomaaliyeed ku shirsan Muqdisho oo caddeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab sheegayna in la laayo
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 25  2023

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxaa lagu cadeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwa ku socda “dariiq halowsan oo aan aheyn Islaamka saxda ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay Khawaarij, ayna tahay in loogu yeero marka la eego dhinaca gaaleysiinta Muslimiinta, ku dhiirashada dhiigooda iyo hantidooda.

“Hadda ka qiimeyno dhanka kale ee waxay sameynayaan waxa ay u eegyihiin dawaa’if kale oo kuwaas ka duwan, waxay dhaqanka aad ugu eegyihiin niman la yiraahdo Al-Xashaashiin ee Ismaacilayada ahaa ayaa dhaqanka noocaan ah lahaa in dadka masaajida lagu laayo oo waxay gaadheen in illaa Salaaxudiin Al-Ayyubi ay gurigiisa galaan oo u muujiyaan in uu ‘muhadad yahay’,” ayuu yiri.

Sheekh Cismaan Usuuli ayaa sidoo kale iftiimiyay in xaq uu yahay dagaalka lagula jiro Shabaab, ayna tahay in culimada ay ka qeyb qaadato dagaalka ay ku cadeynayaan xaqa maadama kooxdan ay fikir qaldan ku duufsadeen dad dhalinyaro ah.

“Laba aan u kala qaadno Shabaab, ninka qoriga qaatay ee duurka galay oo raba in uu umadda laayo kaas sharcan iyo caqlan xukunkooda waa in la iska dhiciyo cid isweydiineysa malaha, dowladda ka masuul ah o ayada qori u qaatay Allaha kheyr ha siiyo ciidamada waa kuwa furinta ku jira, Ilaahay ha ku garab-galo dowladda,” ayuu yiri.

“Waxa jira kuwa aan dagaalka ku jirin oo fikir ahaan iska aaminsan oo meel kasta jooga kuwaas anaga ayay masuuliyadooda na-saaran tahay. Qolooyinka afkartaas wata ee mugdiga kula jira, anaga in aan Ilaahay ugu dhawaano weeyi, masuuliyadaas waa la isweydiinaya.”

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab, inta uu socdana waxay dood ka yeelan doonaan saddex qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka
  2. Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo
  3. Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Si kastaba, shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu muhiim u yahay jiheynta dalka, ayada oo culimadu kasoo saari doonto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post