1407 Views

Wafdi Ka Socda Masar Iyo Maamulka Somaliland Oo Dhowr Kulan Yeeshay

Wafdi Ka Socda Masar Iyo Maamulka Somaliland Oo Dhowr Kulan Yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Xamdi Sonet Lusa uu shalay galab kulamo la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madax ka tirsan Maamulkaasi.

 

Wargeyska Mobtada ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu maanta qoray in Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qaabilaadaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadda Wafdigaasi oo muhiim u ah dhismaha iskaashiga labada dhinac, khaas ahaan Xilligan oo  uu Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-sisi hayo xilka meertada ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee AU-da.

 

Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan inay  Masar iska kaashadaan dhinacyadda Xannaanadda Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Tacliinta iyo Caafimaadka.

Sidoo kale, wfadiga Masar  waxay kulamo la yeesheen Wasiiradda Caafimaadka, Kheyraadka Kalluumaysiga iyo Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga wadajirka ee labada dhinac.

 

Wafdiga waxay kaloo booqdeen Jamaacadda Hargeysa, Maktabadda Hargeysa iyo Carwadda Caalamiga ee Buugaagta ee Hargeysa, iyagoo Madaxdii ay la kulmeen kala hadleen sidii loo soo celin lahaa Iskaashiga Tacliinta iyo Dhaqanka.

 

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Ambassador Xamdi Sonet Lusa oo ay  Socdaalkaasi ku wehliyeen Danjiraha Masar u jooga Somalia, Maxamed Nasar iyo Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Geeska Afrika, Ambassador Kariim Shariif waxay kulan la qaateen Jaalliyadda Masaarida ku nool Somaliland, oo ay ka wareysteen Xaalladooda, caqabadaha haysta iyo iyagoo ugu hambalyeeyey Dhalashadda Bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment