1716 Views

SAWIRO: Kheyre oo xariga ka jaray Xabsiga ugu Casrisan Qaaradda Afrika

SAWIRO: Kheyre oo xariga ka jaray Xabsiga ugu Casrisan Qaaradda Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 23, 2019–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xariga ka jaray Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika oo laga dhisay Magaalada Muqdisho, islamarkaana loogu tala galay in kor loogu qaado Hanaanka Caddaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare  Kheyre waxaa uu sheegay in xabsiggaan uu wax badan kusoo kordhin doono Shaqadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Maxkamaddaha dalka.

Xabsiggaan ayaa laga dhisay  Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Furitaanka Xabsiggaan ayaa lagu soo beegay dabaal-dega sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment