1503 Views

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti oo isku raacay in la xalliyo muranka biya-xireenka Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti oo isku raacay in la xalliyo muranka biya-xireenka Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Xili gacan ka hadal kaliya uu ka haray muranka u dhaxeeya Masar Sudan iyo Itobiya ayaa waxaa arintaas ku soo baxay madaxweynaha jabuuti Geele oo isku dayaya in uu baajiyo dagaal ay ku soo qaado Masar Itobiya,. Taasi oo dhibaato uga imaanaysa Jabuuti.

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay, in la xalliyo muranka biya-xireenka Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dowladda Masar.

Labada madaxweyne oo khadka taleefonka ku wada-hadlay, ayaa isla gartay in xal deg deg ah loo helo murankan, si gobolka looga badbaadiyo xiisad siyaasadeed oo dhalisa colaad iyo xasilooni-darro.

Madaxweynaha Masar, Cabdilfitaax Al-siisi ayaa u xaqiijiyay dhiggiisa waddanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle in uu diyaar u yahay,  in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka biya-xireenka webiga Niil.

Waxaase uu ku baaqay in marka hore Itoobiya joojiso buuxinta biya-xireenka, kadib wada-xaajood saddex gees ah ay isu’gu yimaadaan Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Sidoo kale Dadaalka madaxweynaha Jabuuti ee ku wajahan arrintan, ayaa ku soo beegmay xilli dhinacyada muransan ay quus ka taaganyihiin in ay heshiis gaaraan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post