324 Views

Al Shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada dalka Kenya

Al Shabaab oo  weerar Qaraxyo  ku bilowday ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 4, 2023

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar qarax ku bilowday ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada dalka Kenya , xilli ay ku safrayeen deegaanno katirsan gobolka waqooyi bari Kenya.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen ciidamada Kenyanka ah ayaa ka dhacay waddo u dhaxeysa deegaanadda Kayunga iyo Shangani, waxaana la sheegay in ciidamada Kenya qarax miino haleelay kaddubna rasaas toos kala kulmeen Al Shabaab xubno katirsan.

Dadka deegaanka uu ka dhacay weerarka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax culus kaddibna halkaasi ka dhaceen rasaas badan oo la is dhaafsaday, waxa ayna dadka deegaanka ka gaabsadeen khasaaraha weerarkaasi ka dhashay.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya ayaa dhankooda Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaas uu jiro hayeeshee aysan faah faahin guud ka bixin khasaaraha ka dhashay, iyada oo Ciidamada Kenya ay sii wateen socdaalkoodii.

Al Shabaab ayaa weeraro qaraxyo iyo kuwa gaadmo ah ka geesta qeybo kamid ah dalka Kenya, gaar ahaan deegaannada waqooyi bari iyo sidoo kale deegaannada dhaca gobolka xeebta ee Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post