663 Views

Madaxweynaha dowlad degaanka oo sheegay in Itoobiya aysan faragalin ku heyn Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad degaanka oo sheegay in Itoobiya aysan faragalin ku heyn Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2021—Madaxweynaha gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegaya in isbaddelka ka dhacay Ethiopia uu deeggaanka Soomaalida u horseeday, badhaadhe iyo xorriyad ballaadhan.

Mustafe oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa sheegay in xisbiga Barwaaqo ee haya tallada Ethiopia uu guul ka gaari doono doorashooyinka ka dhacaya dalkaasi bartamaha sannadkan.

Mustafe ayaa dhinaca kale sheegay in aanay jirin wax faragelin ah oo dowladda Ethiopia ay haatan ku hayso dalka Soomaaliya, inkasta oo uu qiray in dowladihii hore ee Ethiopia ay si weyn faraha ugula jireen arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si weyn u dhaleeciyay maamulkii dowladdu weerartay ee TPLF oo uu sheegay in ay dhibaato xoog leh ku hayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dalalka ku yaalla bariga si loo dhameeyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay wajahayaan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post