798 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo ku jiray xabsiyada dalka

Madaxweyne Farmaajo oo Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo ku jiray xabsiyada dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 02, 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus.

Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkan.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment