1065 Views

Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada Dangoroyo

Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada Dangoroyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa degmada Dangoroyo kaga qeyb-galay kulanka Bulshada degmada Dangoroyo oo ujeedkiisu ahaa xog-wareysiga Bulsho iyo Maamulka.

 

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka kala qeybgalay, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Dangoroyo, Hogaanka dhaqanka, Aqoonyahannada, Culimada, Siyaasiyiin Puntland xilal kasoo qabtay iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee degmada Dangoroyo.

 

 

Kulanka waxaa lagu bilaabay Casho sharaf, kadibna Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo hadalka furay ayaa bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Deni, waxay sidoo kale Bulshada Dangoroyo uga mahadcelisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in uu fuliyey ballanqaadkii ahaa inuu wakhti fiican siiyo dadka deegaanka oo habeen ku hoydo Dangoroyo.

 

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaadkii kulanka la hadlay Bulshada degmada, wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo kulankan oo muhim u ahaa Bulshada iyo Dowladdaba, Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ku howlan yihiin hirgelinta codsigii deegaanka ee dhismaha Wadada Eyl iyo Dangoroyo.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in kulamo gaargaar ah uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dangoroyo si uu u dhegaysto baahiyaha ka jira deegaanka iyo siday u kala muhimsanyihiin, kadibna ay Dowladdu ku go’aan qaadanayso markii ay waxqabad noqoto.

 

Kulanka Madaxweynaha iyo Bulshada degmada Dangoroyo ayaa qeyb ka ah, kulamada Madaxweynuhu uu la yeeshay Bulshooyinka uu booqday. Waxaana Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ay xalay ku hoydeen Degmada Dangoroyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment