267 Views

Madaxwayne Xasan oo Amray Baadhista Weerarkii Villa Rosa Iyo Wasiirkii amniga oo dibadda loo qaaday

Madaxwayne Xasan oo Amray Baadhista Weerarkii Villa Rosa Iyo Wasiirkii amniga oo dibadda loo qaaday
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 30, 2022

Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh  Maxamuud ayaa amray in baadhis lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa-Rosa oo kudhaw hoygiisa Villa Soomaaliya, kaas oo ay maalin kahor weerar kuqaadeen kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray baaritaankan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, waxaana ay isla galabta Maxkamadu bilowday baaritaanka oo ay dhammaan goobta tageen.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayay hadda xubnaha Maxmadda ciidamadu, suaalo ku weydiinayaan  xarunta NISA.

Marka ay weeraradan oo kale dhacaan, Horey NISA ayaa baarista u sameyn jirtay, balse hadda waxaa muuqata in Madaxweynuhu qaatay go’aankan cusub.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga gudaha DF Soomaaliya Dr Doodishe oo ku dhaawacmay Weerarkii Hotelka Villa Rosa  ayaa  laga qaaday caasimada Dalka ee Muqdisho, iyadoo loo duuliyey dalka Turkiga oo dhaawaciisa lagu dabiibi doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post