570 Views

Ciidamo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo oo lagu wado in maanta laga dajiyo Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo oo  lagu wado  in  maanta laga dajiyo Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud.
____________________________________________________________________________

Talaado: May 10, 2022

Ciidamo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo Gaaraya in ku dhaw 200 oo Askari ayaa lagu wadaa in  maanta laga dajiyo Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud.

Arintaan ayaa timid ka gadaal markii maalmihii lasoo dhaafay, Xogaga Ahlusunna dhaqdhaqaayo Ciidan ay ka wadeen Degaanka Bohol halkaas oo Fariisin u ah xoogaga Ahlusunna,

Sidoo kale arintaan ayaa kusoo adeeyso xili Hogaanka Ahlusunna ay soo bandhigeen Ciidamo farro badan, hub iyo gaadiid, xiligaasoo ay dhigayeen Munaasabad Sanadeedka Dadkii ku dhintay Dagaaladii ay la galeen Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Ciidamadaan lafilayo in maanta loo daabulo Guriceel ayaa xoojinaya Ciidamo horay u joogay magaalouinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaana arintaan ay imaaneysaa, xili hogaanka Galmudug ay xilligaan ku sugan Magaalada Muqdisho ,iyagona wado  ololo la xiriira doorashada

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post