768 Views

-Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka oo sheegay in la siyaasadeeyay dhisida Golaha Adeega Garsoorka

-Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka oo sheegay in la siyaasadeeyay dhisida Golaha Adeega Garsoorka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 19 2020–Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dalkaan uu muhiim u yahay in loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka si ay u sameeyaan Maxkamadda Dastuuriga oo go’aan ka gaari karta wax kasta oo muran ka dhasha.

Axmed Cali Daahir oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay in dalka Soomaaliya dad badan ay ka caga jidayaan in loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka dalka,ayan mas’uul ka yihiin Madaxda Dowladda.

Waxaa uu sheegay in dhamaan waxyaabaha muhiimka u ah dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, Sida Hay’adihii kamid noqon lahaa, Qareenada laga soo xuli lahaa iyo Bulshada rayidka,hayeeshee la siyaasadeeyay.

Ugu dambeyn waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso Golaha Adeega Garsoorka oo dalka muhiim u ah si loo helo ama loo sameeyo Maxkamad Dastuuri ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post