756 Views

Mareykanka oo ugu baaqay Sacuudiga inay kala dirto ciidamo si gaar ah u tababaran oo uu maamulo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Mareykanka oo  ugu baaqay Sacuudiga  inay kala dirto ciidamo si gaar ah u tababaran oo uu maamulo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.
____________________________________________________________________________

 2da Maarso, 2021

Mareykanka ayaa ugu baaqay Sacuudi Carabiya inay kala dirto ciidamo si gaar ah u tababaran oo uu maamulo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sirdoonka Mareykanka ay soo saareen warbixin sheegeysa in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Xukuumadda Biden waxaa lagu dhaleeceeyay arrinta ku saabsan in wax cunaqabateyn uusan kusoo rogin dhaxal sugaha.

Afahayeen u hadlay wasaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in Sucuudiga uu kala diro ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka amar qaata Maxamed Bin Salmaan isla markaana la joojiyo howlgallada ka dhanka ah mucaaradka.

Wuxuu intaas ku daray in cunaqabateyn lagu soo rogay kalkaaliyaasha dhaxal sugaha iyo ciidamadiisa gaarka ah.

Xigasho BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post