1095 Views

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka oo ku dhawaaqay dhammaadka howlgalka Mareykanka ee Afghanistan

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka oo ku dhawaaqay dhammaadka howlgalka Mareykanka ee Afghanistan
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Ku dhawaad 20 sano kadib markii Mareykanku ciidamo u diray Afghanistan si ay uga dabatagaan argagixisadii qorsheysay weerarradii 11-kii Sebtember 2001, ciidamada Mareykanka ayaa ugu dambeyntii isaga soo baxay dalkaas.

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dhammaadka howlgalka Mareykanka ee Afghanistan intii lagu gudajiray shir jaraa’id Isniintii kaas oo ka dhacay Pentagon, isagoo u sheegay wariyeyaasha in diyaaraddii ugu dambeysay ee Mareykanka ay ka duushay Kabul wax yar kahor saqdii dhexe ee waqtiga Kabul.

“Diyaaraddii ugu dambaysay ee dadka sidda ayaa hadda ka baxday hawada Afghanistan,” ayuu yiri Kenneth “Frank” McKenzie isagoo ku sugan Taliska Dhexe ee gobolka Florida, isla markaann qaab fogaan-arag ah uga soo qeybgalay shirka ja’aaid ee ka dhacay waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon.

“Waa howlgalkii Osama bin Laden cadaaladda horkeenay, isaga iyo qaar badan oo ka mid ah kuwii kula jiray shir-qoolka al-Qaacida,” ayuu yiri McKenzie, isagoo xusay in qarashka ku baxa howlgalka Mareykanka uu aad u sarreeyay.

“2,456 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo dad rayid ah ayaa la dilay, iyo in ka badan 20,000 oo ku dhaawacmay,” ayuu yiri , General McKenzie, isagoo ammaanay boqollaal kun oo ciidan iyo rayid ah oo ka dagaallamay kana shaqeeyay Afghanistan.

“Ma jirto cabbir lagu qiyaasi karo xilligan shucuurta ciidanka, iyo sidoo kale naf huristii iyo guushii ay gaaraareen” ayuu sii raaciyay.

Gabagabadii, McKenzie wuxuu sheegay Mareykanku ka daadgureeyay in ka badan 79,000 qof oo rayid ah garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo ay ku jiraan 6,000 oo Mareykan ah iyo qiyaastii 73,000 oo u dhashay Afghanistan iyo muwaadiniin ka soo jeeda dalal kale.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu qorsheeyay in uu khudbad u jeediyo shacabka Mareykanka maanta oo Talaado ah, taaas oo ku saabsan dhammaadka dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanku ka qeybgalo.

Biden wuxuu difaacay go’aankiisa ah ka bixitaanka Afghanistan inuu ku ekaado waqtiga kama dambaysta ah ee 31-ka Ogosto, in kasta oo ay sii xoogeysanayaan dhaleeceynta uga imaaneysaa siyaasiyiinta dhaliilsan siyaasaddiisa iyo xulifadiisa qaar.

Madaxii diblomaasiyadda Mareykanka ee Afghanistan Ross Wilson ayaa ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaaraddii ugu dambeysay ee Kabul ka soo qaaday ciidmada Mareykankan, iyadoo joogstii diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Kabul ay sidoo kale soo gabagabowday.

“Laga billaabo maanta, waxaan joojinay joogitaankeennii diblomaasiyadeed ee Kabul, waxaana howlaheenna u wareejinnay Doha, Qatar, oo dhowaan si rasmi ah loogu wargelin doono Congress -ka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken galinkii dambe ee Isniintii.

Taalibaan ayaa dalalka reer galbeedka ka codsaday in xiriirkooda diblomaasiyadeed aysan jarin marka ay ciidamadooda kala baxaan Afghanistan.

Turkiga, ka mid ah gaashaanbuurta NATO ee Mareykanku hoggaamiyo, ayaa sii wadi doonta joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Kabul. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa warbaahinta Turkiga u sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay dib ugu laabatay dhismeheedii.

.VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post