1290 Views

Puntland oo Wadda dadaallo lagu tayeynaayo Shaqaallaha maamulka

Puntland oo Wadda dadaallo lagu tayeynaayo Shaqaallaha maamulka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–Shir lagaga arrinsanayey tayeynta shaqaalaha  Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagaga hadlay sidii loo dardargelinlahaa ururinta xogta shaqaalaha, dowladda, ka warqabka xaaladda shaqaalaha iyo Tayaynta shaqaalaha laf-dhabarta u ah dawlad-nimada.

Kulankan oo ay goob-joog ahaayeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Abdiweli Cali Timacade Agaasimaaal iyo saraakiil ka kala socdey Wasaaraddaha Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada-hadlay kulanka.

 

“Waxaan maanta is kugu nimid shir ka dhacay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkaasi waxaa uu ku saabsanaa sidii xog la iskaga siinlahaa loona dar-dargelin lahaa barnaamijka shaqaalaha dowladda oo mudo dad khuburo ah gacanta ku hayeen, barnaamijkaas waxaa uu soo maray xaalado kala duwan waxaa kasoo qayb galay Wasaaraddaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda si loo eego shaqaalahooda wixii maqan, si xogta shaqaalaha loo ogaado ayaa la iskuguyeeray, wuxuuna kusoo dhammaaday guul” Ayuu yiri Agaasime Tigaana

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment