1311 Views

Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha qaranka oo sharci daro ku tilmaamay in Rooble waan waan la galo farmaajo

Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha qaranka oo sharci daro ku tilmaamay in Rooble waan waan la galo farmaajo
____________________________________________________________________________


Axad: September 26, 2021

  Xili mar kale uu bur buray wada Hadalkii u dhaxeeyay farmaajo iyo Rooble ayaa waxaa arintaas sharci daro ku tilmaamay Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar.

Waxa uu sheegay  Mukhtaar  in rooble uu galay qalad siyaasadeed oo weyn kadib markii uu ogolaaday inuu wada-hadallo la galo Farmaajo.

Dr. Mukhtaar ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu la yaaban yahay waxa meesha yaalla oo ay ka wada hadlayaan Farmaajo iyo Rooble, sababtoo ah buu yiri ra’iisul wasaaraha wuxuu haystaa laba qodob oo dastuur ah, oo cad.

“Marka aad fiiriso Qodobka 103-aad ee dastuurka waxaa ku qoran: Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah. sidoo kale, Qodobka 91-aad ee dastuurka  ee Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, wuxuu leeyahay: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka,” ayuu yiri Dr. Mukhtaar. 

“Marka waxaan la yaabanahay, maxaa lagu wada hadlaa, waxaa la yiri af-magaalo warqad ayuu ku yaallaa. Qaanuunka iyo dastuurka waa in lagu dhaqmaa. Haddii la wada-hadlo waxaa micnaheedu yahay waxbaan kugu qabsanayaa. Marka in la wada hadlo maba aheyn, qaanuunka iyo dastuurka ayaa fasiraya awoodda qof kasta,” ayuu yiri.

https://2ac1d44c0ad0580943089609c9437070.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Sidoo kale Dr. Mukhtaar ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu waqtigiisu dhammaaday 7 bil kahor, waxa kaliya ee uu haysatana ay tahay xushmad ah inuu kursiga kusimo madaxweynaha kale, islamarkaana aanu wax shaqo ah ku laheyn howlaha dowladda. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post