333 Views

Muuqaalka nin madaw ah oo ay booliiska Mareykanka garaacayaan kahor inta aanu dhiman

Muuqaalka nin madaw ah oo ay booliiska Mareykanka garaacayaan kahor inta aanu dhiman
____________________________________________________________________________

Axad: January 29, 2023

Muuqaal laga soo duubay goob ay joogaan ciidanka taraafikada ah, oo gaaraya shan askari, kana tirsan booliiska magaalada Memphis oo lagu eedeeyay dil, ayaa muujinaya iyaga oo laad iyo feer la dhacaya nin darawal ahdhowr daqiiqo, kaasoo ku dhawaaqayey magaca hooyadiis.

Saraakiisha ayaa la arkayaa iyagoo garaacaya ninka la yiraahdo Tire Nichols, oo dadiisu tahay 29 sano jir, muuqaal la qaaday 7-dii Bishan Janaayo, iyadoo aysan jirin calaamad muujinaysa inuu ku kacayo amar diido.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in uu “aad uga xun yahay” muuqaalka “naxdin leh”.

Qareenada u doodaya qoyska Nichols, ayaa tilmaamay in weerarkan mid lamid ah uu dhacaya sanadkii 1991-kii, oo ay booliiska magaalada Los Angeles ay garaaceen darawal.

Muuqaalkani ayaa waxa uu ka kooban yahay dhacdooyinn laga yaabo in dadka qaarkiis ay dhibsadaan.

Booliiska ayaa markii hore sheegay in Nichols la joojiyay, kadib markii loogga shakiyay inuu si taxadar la’aan ah u waday gaarigiisa, taas oo aan caddayn. Waxa uu ku dhintay cusbitaal saddex maalmood ka dib, 10kii bishan Janaayo.

Nichols ayaa wuxuu ahaa madow, si lamid ah dhammaan shanta sarkaal ee kiiska lagu soo oogay, oo iyaguna ahaa madow.

Waaxda booliiska ee Memphis, ayaa baahisay afar muuqaal oo ku saabsan ciidanka taraafikada iyo dhibaatadii ka dhalatay Jimcihii, taasoo wadarteedu ay gaareyso in ka badan hal saac oo muuqaal ah.

F.G. Daawo muuqaalka nin madaw ah oo ay booliiska Mareykanka garaacayaan, kahor inta uusan dhiman.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post