423 Views

Ciidamada Eritrea oo ka baxay labo magaalo oo waaweyn oo katirsan gobolka Tigray

Ciidamada Eritrea oo ka baxay labo magaalo oo waaweyn oo katirsan gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Sabti: December 31  2022 

Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada dowladda federaalka Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ay ka baxeen labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka.

Ka bixista deegaanada Shire iyo Axum ayaa daba socota xabbad-joojin ay kala saxiixdeen 2-dii bishii November dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigreega ee TPLF, kaasoo dhigayay in ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea, heshiiskan qayb kama aysan aheyn, waxaana joogitaanka ciidamadeeda ee xarumaha waaweyn ee gobolka Tigreega a y keeneen su’aalo la xiriira dhaqangalka heshiiskan.

Ilaa hadda ma cadda in ciidamada Eritrea ay gabi ahaanba ka baxayaan gobolka Tigray iyo in ay dib uga gurteen magaalooyinka qaar.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uusan xaqiijin karin ama beenin karin warkan, halka sarkaal Itoobiyaan ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo uu xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan Axum iyo Shire.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigreega, ayaan isla markiiba ka jawaabin faah-faahinta warkan.

Saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Axum iyo Shire ayaa sheegay in ay arkeen tobannaan baabuurta militariga ah oo ay ka buuxaan askar Eritrean ah oo Khamiistii kusii jeeday magaalada xuduudka ah ee Sheraro.

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamadu ay u gacan haadinayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post