1110 Views

Raashinkii imaan jiray magaalada Jowhar oo shabaab ku nsoo Rogeen Canshuur

Raashinkii  imaan jiray magaalada Jowhar oo shabaab ku nsoo Rogeen Canshuur
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Badeecadihi magaalada Jowhar uga imaan jiray Muqdisho ayaa maalinti toddobaad hakad ku jira, kaddib marki Al-Shabaab ay ganacsatada Jowhar kusoo rogeen amarro u cuntami waayay.

Qaar ka mid ah ganacsatada Jowhar, oo ay VOA-da la xiriirtay ayaa sheegay, in Al-Shabab ay ku amreen ganacsatada badeecadaha keena Jowhar, ay maamulka Al-Shabaab u soo gudbiyaan liiska dhammaan agabyada ay kusoo raraan baabuurta xammuulka qaada ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Jowhar.

Inkasta oo magaalada Jowhar uu ka taliyo maamulka HirShabeelle, haddana sida gobollo dhowr ah oo ku yaalla koofurta Soomaaliya oo ay dowladda maamusho, Al-Shabab ayaa canshuur ka qaada dhammaan ganacsiga magaalada iyo gaadiidka ka shaqeeyaba.

VOA-da ayaa ogaatay, in baabuurta xamuulka qaadda ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Jowhar, ay Al-Shabab ka qaadaan canshuur u dhaxeysa 160 doollar ilaa 1050 oo dollarka Mareykanka ah.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ohgaal ah oo ku sugan Jowhar, Al-Shabab ayaa horraanti todobaadkan ugu yeeray deegaanka Fiidow oo qiyaasto 50 km u jira magaalada Jowhar, qaar ka mid ah hoggaanka Guddiga Ganacsatada magaalada Jowhar si ay arrintani ugala hadlaan.

Wadahaddaladi baddalkoodana xiray, guddoomiye ku xigeenka guddiga ganacsatada Jowhar Maxamed Xuseen Nur iyo laba xubin oo ka mid ah ganacsatada kuwaasoo kala ah Saney Gaabow iyo Salaad Cali Dufle.

Sida ay sheegeen ganacsatada magaalada Jowhar, amarradan cusub ee ay kooxda Al-Shabab ku soo rogeen ganacsiga Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa amray Muuse Dhaba-dheere oo kooxda Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe ugu qaabilsan arrimaha xagga gaadiidka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka HirShabelle oo ku saabsan, xariga ay Al Shabab u geystay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar iyo hakadka ku yimid dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Jowhar.

Dadka reer Jowhar ayaa ka wal-walsan, in xayiraadda dhanka ganacsiga ee lasoo gudboonaatay magaalada ay keeni karto sicir-barar ku yimaadda badeecadahaha iyo maciishadda quutul-daruuriga ee magaalada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post