1881 Views

Hawlgallo wado furis ah oo ka socda gobolka Hiiraan

Hawlgallo wado furis ah oo ka socda gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 01, 2018 —Wararka aan ka heleyno degmada Xamar Weyne ayaa waxa ay sheegayaan in caawa suuqa degmadaasi uu ka dhacay dil ay wiil dhalinyaro ah u geysteen rag hubeysan.

Dilkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii wiil dhalinyaro uu is hor istaag ku sameeyay rag hubeysan oo telefoon qaali ah ka dhacay gabar ku sugneyd degmada Xamar Weyne, taasi oo ku qeylisay in laga caawiyo sidii telefoonkeeda kooxdan hubeysan uga soo ceshan laheyd.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir Tooxow ayaa ka mid ahaa ganacsatada suuqa degmada Xamar Weyne, wuxuuna ku jiray markii hore gudaha carwadiisa, balse wuxuu ku soo baxay qeylada gabadha.

Raggii dilka geystay oo watay Mooto Bajaaj ayaa durba ka baxsaday goobta, sida ay inoo sheeegeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmada Xamar Weyne Maxamuud Cali Xasan ayaa Qaranimo Online u sheegay in lagu daba jiro dableyda dilka geysatay.

Maalmahan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay dhaca ay geysanayaan ragga hubeysan, welina ma jirto cid wax ka qabata.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment