726 Views

Erdogan oo shuruud adag ku xiray inuu ogolaado ku-biirista Finland iyo Sweden ee NATO

Erdogan oo shuruud adag ku xiray inuu ogolaado ku-biirista Finland iyo Sweden ee NATO
____________________________________________________________________________

 Khamiis: May 19, 2022

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sweden aysan ka filin Turkey inay ansixiso codsigeeda ku aadan inay ku biirto NATO, ayada oo aan usoo gacan gelin “argagixiso” ku sugan dalkaas.

Erdogan ayaa sidoo kale u sheegay wufuudda Sweden iyo Finland inaysan iman Turkey si ay uga dhaadhiciyaan inuu taageero codsigooda xubinnimo.

Finland iyo Sweden ayaa si rasmi ah u codsaday Arbacadii inay ku biiraan xulufada NATO, go’aankaas oo ay qaateen kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Ankara ayaa sheegtay in Sweden iyo Finland ay magan-galyo siiyaan shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururo argagixiso iyo kuwa ku xiran Fethullah Gulen oo Turkey ay ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii fashilmay ee 2016.

“Waxaan aad dareen ugu leenahay inaan xuduudaheena ka ilaalino weerarada ururada argagixiso,” ayuu Erdogan u sheegay sharci-dejiyayaasha ka tirsan xisbigiisa AKP.

Erdogan wuxuu sheegay in xulufada NATO aysan marnaba Turkey ka taageerin dagaalka ay kula jirto kooxaha mintidiinta Kurdish-ka, oo ay ku jirto kooxda YPG ee Syria oo xiriir dhow la leh kooxda PKK.

“Ballaarinta NATO waxay macno noo sameyneysaa kaliya marka lagu cabiro heerka ixtiraamka loo mujiyo arrimaha aan xasaasiyadda ka qabno,” ayuu yiri.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ugu dambeyn Sweden iyo Finland ay heli doonaan hanaan “wax ku ool ah” oo ay ugu biiraan NATO. Wuxuu intaas ku daray in walaacyada Turkey “wax laga qaban karo.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo booqasho ku jooga Mareykanka, ayaa sheegay inuu dhiggiisa Mareykanka Antony Blinken oo ay ku kulmeen New York u gudbiyey “walaacyada amni ee dhabta ah” ee Turkey ee ay tahay in wax laga qabto.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa “mid togan oo wax ku ool ah.”

Ku biirista NATO ayaa waxaa qasab ah inay ogolaadaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah xulufada, taasi oo Turkey siineysa awood ay ku hor-istaagto codsiyada Finland iyo Sweden.

REUTERS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post