1008 Views

Itoobiya oo u baroordiiqeysa saraakiishii laga dilay

Itoobiya oo u baroordiiqeysa saraakiishii laga dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Maalin baroordiiq ah loo sameynayo madaxdii Maalin ka hor lagu dilay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalkaasi Itoobiya.

Madaxda Afgebiga dhicisoobay lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidamada Federaalka Itoobiya Gen Seare Mekonnen & Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen  iyo saraakiil kale,kuwaas oo ay toogteen ilaaladooda xilli ay doonayeen inay ka hortagaan afgembiga.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday shacabka Itoobiya inay nabadda ku dadaalaan isla markaasna ay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhici kara.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay  calooshood u shaqaysteyaal,isaga oo ugu baaqay Ciidamada Federaalka Itoobiya inay dalkooda ilaashadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment