1461 Views

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka hadlaya xaalada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka hadlaya xaalada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 12, 2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo khamiis Gelinka dambe ay isugu yimaadaan shir ay ugu hadlayaan xaaladaha kajira xilligaan dalka  Soomaaliya & waxa u baahan in wax laga qabto si looga gudbo.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha dorashooyinka Soomaaliya oo qaarkood billowday, dhaqaalaha ku baxaya iyo sidoo kale arrimo ay kamid yihiin fatahaadaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin siin doona Xubnaha  shirka.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee shirka ka qeyb geli doona oo dhankooda khudbad ka jeedin doona ayaa ka hadli doona balan qaadyo ay u sameyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda looga taageero dhinacyada amniga iyo doorashooyinka.

about:blank Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ay Maanta ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu guda galay doorasho ayna bilaabatay xulista mudaneyaasha Aqalka Sare.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo ballansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May, 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post