690 Views

Magaalada Baydhabo waxaa ku wajahan Guddiyo farsamo oo ka kala socda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada dalka

Magaalada Baydhabo waxaa ku wajahan Guddiyo farsamo oo ka kala socda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada dalka
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ku wajahan Guddiyo farsamo oo ka kala socda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddiyadan oo la magacaabay ayaa Baydhabo ku yeelan doona kulamo ay uga hadlayaan qodobada la isku haayo ee saldhigga u ah heshiiskii 17-kii bishii September ee 2020 laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa oo haatan uu khilaaf ka taagan yahay.

Min labo xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Shirka, waxaana shirka fududeynaya Beesha Caalamka oo si dhow ula  soconeysa arrimaha laga doodayo.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddiyada marka ay isku waafaqaan, iskuna soo fahmaan qodobada waxay horkeeni doonaan Madaxda dowlad Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay kama dambeysta u saxiixaan oo Munaasabad saxiix un kaliya isugu imaan doonaan.

Khilaaf ayaa weli ka taagan Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la qorsheeyay in 15-ka bishaan Febraayo uu ka dhaco Magaalada Garoowe, hayeeshee Puntland iyo Jubbaland ay ku taliyeen in lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post