882 Views

Koonfur Galbeed oo soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare mar kale

Koonfur Galbeed oo  soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare mar kale
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto maamulkaas.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada heer Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, ayaa lagu soo bandhigay jadwalka doorashada Aqalka sare.

Jadwalkan ayaa waxa ku cad in maanta oo Sabti ah la diiwaan-gelinayo murashixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Axadda berri ah ayaa xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed dooranayan kuraasta ka harsan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xalay soo saaray liiska lix murashax oo ku tartamaya saddex kursi oo ka harsan Aqalka sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post