1971 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019  –  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo si casri ah loo dhisi doono.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu garoonku u leeyahay cayaaraha iyo isku-xirka dhalinyarada Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in marka la dhameystiro ay ka faa’iideysan doonaan kooxaha kubadda cagta ee Caasimadda.

Duqa Muqdisho waxuu sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay soo nooleynta Isboortiga iyo in dhalinyaradu ay helaan goobo ay ku soo bandhigaan xirafadahooda cayaareed.

“Dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo loo dhisi doono qaab casri ah wuxuu ka tarjumayaa qiimaha isku-xirka iyo is –dhexgalka bulshadu ay noo leeyihiin, anaguna mar walba waxaan u taaganahay sidii dhalinyarada Caasimaddu u heli lahaayeen goobihii ay xirfadahooda ku soo bandhigi lahaayeen”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cabdiqani Siciid Carab, Guddoomiye Ku-xigeenada Arrimaha Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo masuuliyiin kale oo ka socday Gobolka banaadir.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment