1410 Views

Guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo qalinka ku duugay dagaal ka dhan ah AL-shabab

Guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo qalinka ku duugay dagaal ka dhan ah AL-shabab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Golaha Amaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa ansixiyey qorshe howleed la xiriira howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo billowga sanadka cusub ka billaabanaya dalka Soomaaliya.

Qorshahan ayaa ka dhashay kulamo iyo shirar ay yeesheen Taliyayaasha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya kuwaas oo kulankii ugu muhiimsanaa uu dhacay 3okii November.

Howlgalka hadda la ansixiyay ayaa loogu magacdaray aragtida howlgalka,waxaana uu intiisa badan ka dhacayaa Gobollada Jubada hoose,Jubada dhexe, Gedo, Baay,  Shabellaha hoose,iyo gobollada kale ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Afhayeenka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,Richard Omwega ayaa sheegay in howlgalkan uu billaabanayo bisha 1aad ee sanadka cusub islamarkaana kaliya uu sugayo ansixinta Midowga Afrika iyo waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Waxaa uu Afhayeenku sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay qorshaha amniga dalka loogu wareejinayo dowladda Federaalka ah,waxaana uu intaas raaciyay in howlgalka ay si wadajir uga qeybqaadan doonaan AMISOM,Ciidamada dowladda Federaalka ah iyo Ciidamada Dowlad Goboleedyada.

Shir 17kii Bishan ka dhacay Magaalada Kismaayo oo looga hadlayay qorshahan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliye ku xigeenka Ciidanka AMISOM, Charles Tai Gituai, waxaa uu madasha ka sheegay in howlgalkan la doonayo in uu noqdi kii ugu muhiimsanaa ee dalka looga saaro Al-shabaab.

Kaliya Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa diiddan qorshaha dhimista AMISOM iyaga oo ku adkeysanaya in inta Soomaaliya ay ka noqoneyso meel amaan ah aan laga bixin lana dhimin Ciidanka AMISOM.

Kenya ayaa qabta in haddii AMISOM laga saaro Soomaaliya iyada oo aan laga guuleysan Al-shabaab ay dib isu abaabuli karaan islamarkaana ay weerarro ka geysan karaan gudaha Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay in labadii Sano ee la soo dhaafay aysan AL-shabaab weerar weyn ka geysan gudaha dalkeeda,arrintaasina ay qeyb ka yihiin Ciidanka Kenya ee ku jira Gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment