1284 Views

booliska Garoowe oo xabsiga dhigay fanaan Sharmaarke Boy kadib markii gaari uu waday Rogmaday.

booliska Garoowe oo  xabsiga dhigay  fanaan Sharmaarke Boy kadib markii gaari uu waday Rogmaday.
____________________________________________________________________________

May 28 2021

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada booliska Garoowe ay xabsiga dhigeen fanaan Sharmaarke Cabdinaasir Sharma Boy oo ku soo jeeday Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in Fanaanka oo Waday gaari Nuuca raaxada ah uu Rogmaday, waxaana la sheegay in Xiligaas uu Fanaanku Cabsanaa.

Shilka ayaa dhacay kadib markii uu rogmaday gaari uu waday Sharma Boy, kaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo dumar ah iyo dhaawac.  Fanaaniin kale sida la sheegay.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in Sharma Boy  uu mas’uul ka yahay shilkaas gaari,  ayna baarayaan Waxa sababay shilka gaariga.

Sidoo kale Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ah ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post