963 Views

Kulan xasaasi ah oo u billowday Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed

Kulan  xasaasi ah oo u billowday Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed
____________________________________________________________________________


Isniin: March 14, 2022

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan kulan u dhexeeyo madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa uu ka socdO magaalada Beledweyne, kaaso oo looga hadlayo xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Wadahadallada Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xal u helida muranka ka dhashay doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla Beledweyne.

Ilo ku dhow kulanka ayaa innoo sheegay in labada nin ay ka wada xaajoonayaan hab maamulka kuraasta la’isku hayo, si xal looga gaaro dhameystirka doorashada Beledweyne.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa ayaa isla meel dhigi doono xal u helida khilaafka ka dhex-qarxay ee ka dhashay in tartanka la daah furo ama kuraasta in loo xiro dad gaar ah, taas oo xaalad cusub ka abuurtay magaalada Beledweyne.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa qorshuhu yahay in wadahadallada haatan socdo laga soo saaro go’aanno xasaasi ah oo la xiriira hab maamulka doorashada iyo amniga.

Doorashada Beledweyne ayaa soo martay marxalado kala duwan, maadaama ay ku soo aaday, xilli ay magaaladaas ka jirtay xiisad la xiriirta dhismaha maamulka HirShabelle.

Is jiid jiidka hoggaanka sare ee HirShabelle ayaa dib u dhigi kara doorashada maamulkaasi, maadaama la joogo xilligii lagu balamay in lagu soo idleeyo doorashada Baarlamaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post