8079 Views

Wasiirka Arimaha Dibada Somalia oo 24 saac loo qabtay si uu u hor-tago Baarlamaanka

Wasiirka Arimaha Dibada Somalia oo 24 saac loo qabtay si uu u hor-tago Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 February, 2016: Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, ayaa u qabtay muddo 24 saac in Baarlamaanka uu ku hor tago Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia C/salaan Cumar Hadliye.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Hadliye u direen warqad ay kaga codsanayaan in uu Baarlamaanka hor-yimaado balse asaga oo diidan, in una sheegay in uu howlo shaqo dibadda ugu mashquulsan yahay ee usan waqti u ahaynin.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa amarkaan dul dhigay waxa uuna sheegay in wax laga weydiin doono sababta loo xiray qeybta VIP ee Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde maadaama madaxda Dowladda ay halkaasi ka bixi jireen.

Baarlamaanka ayaa maalmahaan howl ka dhigtay arinka garoonka Diyaaradaha Aden Cadde iyadoo aan la ogeyn sababta ka dabeysay in a tahay xasaanad dhowrid iyo in ay daneeynayaa ammaanka Garoonka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment